Connect with us

Published

on

Neque porro quisquam est, qui dolorem ipsum quia dolor sit amet, consectetur, adipisci velit, sed quia non numquam eius modi tempora incidunt ut labore et dolore magnam aliquam quaerat voluptatem. Ut enim ad minima veniam, quis nostrum exercitationem ullam corporis suscipit laboriosam, nisi ut aliquid ex ea commodi consequatur.

At vero eos et accusamus et iusto odio dignissimos ducimus qui blanditiis praesentium voluptatum deleniti atque corrupti quos dolores et quas molestias excepturi sint occaecati cupiditate non provident, similique sunt in culpa qui officia deserunt mollitia animi, id est laborum et dolorum fuga.

Quis autem vel eum iure reprehenderit qui in ea voluptate velit esse quam nihil molestiae consequatur, vel illum qui dolorem eum fugiat quo voluptas nulla pariatur.

Temporibus autem quibusdam et aut officiis debitis aut rerum necessitatibus saepe eveniet ut et voluptates repudiandae sint et molestiae non recusandae. Itaque earum rerum hic tenetur a sapiente delectus, ut aut reiciendis voluptatibus maiores alias consequatur aut perferendis doloribus asperiores repellat.

Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur adipisicing elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua. Ut enim ad minim veniam, quis nostrud exercitation ullamco laboris nisi ut aliquip ex ea commodo consequat.

“Duis aute irure dolor in reprehenderit in voluptate velit esse cillum dolore eu fugiat”

Nemo enim ipsam voluptatem quia voluptas sit aspernatur aut odit aut fugit, sed quia consequuntur magni dolores eos qui ratione voluptatem sequi nesciunt.

Et harum quidem rerum facilis est et expedita distinctio. Nam libero tempore, cum soluta nobis est eligendi optio cumque nihil impedit quo minus id quod maxime placeat facere possimus, omnis voluptas assumenda est, omnis dolor repellendus.

Nulla pariatur. Excepteur sint occaecat cupidatat non proident, sunt in culpa qui officia deserunt mollit anim id est laborum.

Sed ut perspiciatis unde omnis iste natus error sit voluptatem accusantium doloremque laudantium, totam rem aperiam, eaque ipsa quae ab illo inventore veritatis et quasi architecto beatae vitae dicta sunt explicabo.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arimaha siyaasadda

QORSHE SIYAASADEED WANAAG BADAN HASA YEESHEE AAN FULIN LAHEYN

Published

on

By


Qorshe, siyaasad wanaag badan, hayeeshee aan fulin lahayn!.
September 04, 2020
Qorshe, siyaasad wanaag badan, hayeeshee aan fulin lahayn!.

Marka aad dhegensato doodda hogaamiyaasha africa waxay daaran tahay waddo wanaagsan oo lagu indha daraan-daryoonayo, waxaa u soo jaleecsada dhego awdanaa oo mar qura dahaarku ka qaadmo, waxay kuu iftiiminayaan halka ay taal barwaaqadu, waxayna kuu sheegayaa in ay reerka ku furi doonan ruunkaas bacrinta ah oo barwaaqadanu taal, waxaa ku gelaysa xiiso gooniya, waxaa damac xoogan kaa gelayaa halkaas roobku biyaha dhigay, geeduhu hudur madow yihiin, laanta geeduhu tahay mid baac jeeda, xooluhu u baahnay ceelka biyaha u aroorid, durba waxaad iska dhaadhicin waa midkii reerka gerkooda qaban lahaa jilibkana ugu dhufan lahaa ruunka ugu wanaagsan dhanka bacrinta, carra sanka, ugu roobka badan, ugu dooga badan, waxuu kuugu sharaxayaa kaagana iibinayaa sida ugu wanaagsan uguna fudud oo aad barwaaqadaas ku gaari kartaan.

Waxuu gerkeeda qabahaa reerku ku furnaa ruunka busta iyo cadarku isku darsanaayeen, qaniinku xoolaha laayay, shilinta qobweynta ah warkeedaba daaye, weerkuna ugaarto ariga, waayo waa laga wada guuray sabka oo dhan, dawacadu waa mid aan is qarin, ka dul xadraynaysa raqda xoolaha, cuna cunaha jira baahida daran aawadeed waxaa dhogortii ka daadatay xoolaha waana kuwa candho diiratay xoolohu, gebilkoodu waa mid is rogay, waxay noqdeyn kuwa dhogortii ka biday oo xorodyo ah. Waxuu imaan adoo la dhacay afkaartiisa kuu sheegay in uu reerka samatabixin karo, ruun wanaagsana cidda jilibka u dhigi doono, waxaad jabsan farxad waxaa laguu soo werin meel barwaaqo ah, biyaha ceelka aan loo baahnayn oo warahu buuxaan, waxaad is leedahay waa laga baxay diif iyo rafaad waxaana loo talaabay gola cosob ah barwaaqana ah, shilintuna ka suushay qaniinna warkiisaba day.

Waxuu afar kaloodka u taagayaa awrta, waxuu dhabaha ku ridayaa reerka waxuuna ku furayaa ruun aan waxba ka duwanayn midkii laga soo raray, mararka qaar ka liita kii hore, waxuu suuqa dhoobayaa geela kuwii daruufta u adkaystay, waxuuna ka iibsanayaa mid dhaqan doona, sida ugu wanaagsana u xanaanayn doona kana faa’iideysan doona, waxuu ku doorsanayaa shilimaad yar, asoo geynsan kara meel wacan, geed nugul leh, carro-san ah, ka dhami kara caano mac, waxuu door bidayaa in uu iibsado kuwa dhaqaaqi kara, waxuu kuu sheegayaa kun caqabadood, waxuu daaqada ka tuurayaa balamihii hore, waxuu noqonayaa mid ka duwan sidaad ku baratay, waxaa mararka qaar shaki kaa gelayaa qofka in uu qofkii balanta qaaday yahay, oo waxaad is leedahay amuu mid kale yahay, uu u eg kii balanta qaaday!.

Wadanka waxaa hogaamiyaha ugu sareeya ka ah madaxweynaha lagu soo doortay balan qaad uu sameeyay, waxuu madaxweyne ka yahay Dawlad u qaybsanta Sedax qayb, kala ah “golaha fulinta” “golaha sharci dejinta” iyo “golaha garsoorka”. Sedaxdaas waa sedaxda tiir ee dawladdu ku taagan tahay oo ah aas aaska dawladda.

Golaha fulinta Shaqada ugu muhiimsan ugu baaxada weyn ayay qabta waa golaha fulintee, waxay u adeegaan bulshada waxayna toos ula falgalaan bulshada si ay u ogaadaan baahiyaha ka jira gudaha bulshada, waxay xuuraansi ku sameeyaan maxay yihiin baahiyaha jira, waxayna u kala xushaan sida ay u kala muhiimsan yihiin, hayeeshee marka aad joogto wadankayna ma jirto wasaarad la falgasha bulshada maqasha baahiyaha ay qabaan bulshado, markii aad wasaaradda tagto ee aad eegto siyaasada iyo qorsha u degsan waa mid ku cajab gelinaysa, waxuu u nidaamsan yahay sida ugu wanaagsan uguna macquushan, waxuu u kala hormarsan yahay sida ay u kala muhiimsanyihiin baahiyaha jira markaas, waxaa qoran waa wax qaayo iyo qurux badan, tilaabta ay qaadayaan wasaaraddaha ay ka kooban yihiin waxa loo yaqaano golaha fulinta iyo waxa u qoran waa wax aad u kala durugsan, ah kaaf iyo kala dheeri, waxaa degsan siyaasadii ugu wacnayd iyo qorshihii ugu wanaagsanaa, yaheeshee ma lahan fulin, ma jirto isla xisaabtan ku wajahan in la fuliyo qorshahaan quruxda badan oo la nidaamiyay, qofna iskulama xisaabtanto ma hirgashay siyaasadii la dejiyay haddii ayna hirgelin maxaa hortaagan, qorshii ma fulay haddii uu fili waayay maxaa haysta, ma jirto isla xisaabtankaas, cunug yar oo waxaro la raaciyay haddii aan lagula xisaabtamayn haddii waxaruhu xiradaan waxaa macquul ah inow dayaco, kadibna ay duurka ku dibadoobaan, gacanta ay u galaan waarka iyo dawaca duurka gaaf wareegaya oo baadi goobka ugu jira xoola hareer maray mooradii ay lahaayeen, hadda isla xisaabtanku waa waxa ugu wanaagsan oo hawl ku gaari karayso halkii loo qorsheeyay, haddaba wasaaraddahayna waa dejiyeen siyaasad dux iyo miisaan leh, qorshe cajiib ah oo lagu qanco oo kaa gedmaaya, hayeeshee waxaa maqan fulintii haddii aan la fulin siyaasada iyo qorshahaas wanaagsan waxba ma soo kordhinayso, waa uun qorey dibaha la’ oo kale haddii uu cadaw kaa celinayo.

Golaha sharci dejinta golahaan waxaa lagu magacaabaa golaha shacabka, waa metelayaasha shacabka, waxay ximbaarsan yihiin awoodda shacabka, waxay wakiil uga yihiin xukumada shacabka, halkii shacabku si toos ah u korjoogtayn lahaa xukumada waxaa la dhahay shaqadaas golaha shacabku ha u qabtaano shacabka, waxay balan qaadayn una qoran in ay yihiin kormeerayaasha xukumada, waxay fiirsadaan danahooda gaarka ah, waxay ku fikiraan inta badan haddii aad wasiir heli lahayd waa wacnaan lahayd, mahigoodu waa sideed wax ku heshaa kuna sii joogtaa, meesha kama muuqato la xisaabtan xukumadeed, waxaa muuqata in aanba war laga hayn caruurti waxarihi inay soo xereeyeen iyo inay xiradeenba, waxaad moodaa inay yihiin moogayaal iska fadhiya kuraasta kuna sheegaya inay ku fadhiyaan metelaada shacabka, shacabka ay sheegayaan inay metelaan maalin walba ayaa la xasuuqaa, waxaa jirta cid u dhaaratay difaaca dadkaas, hayeeshee ma arkaysid ayidoo lagula xisaabtamayo dibadeynta shacabka kuwii loo wakiishay, wixii lagugu soo doortay haddii aadna fulihayn tiir qotoma wado dhaxdeed waxba ma dhaantiid waayo halkii la damco ayaa laguu jaleecin.

Golaha garsoonka waxay u kala garnaqaan ummadda midkii kar leh ayay gartiisa siiyaan, kan gardarana sharciga ayay marsiiyaan, shaqadoodu waa garsoornimo, waxay dadka ku dhaqaan sharciga, waxay wax walba u maraan sharciga, rabitaan gaara iyo sida la quman kuma dhaqaaqaan, hayeeshee marka aad africa joogto golaha garsoorka waxaa ka socda rabitaanka gaarka ah, lama xeeriyo sharciga, arinkaan ku saabsan waxaa nala qaba aduunka markii aad u eegto si qota dheer, aduunka maanta sharcigu waxuu caawiyaa wadankii buur ah ama ku tiirsan buur, hayeeshee waa la kala daran yahay, mar walba wadan walba wadanka uu ka caddaalad xun yahay waa ka garsoon xun yahay, garsooruhu in uu xukunka ku rido musuqmaasuq ayaa macquul ah, asoo dhahaya waxaan ahay garsoore.

Waxaan is weydiiyaa maxaa wadanka soomaaliya u diiday hogaamiye aragti leh, hadafkiisu cad yahay, garanaaya dadka soomaaliyeed wax wada jahayn kara, halka dadka laga taabto marka la rabo in la isku diba rido, fuliyana balamaha uu qaado, wa maxaa jira caqabado aan la moodi karayn oo haysta madaxda soomaaliyeed mase ayiga ayaan u imaan hormarin bulsho oo waa shaqa doonayaal?, waan kala fahmi la’ ahay, waxaanse u badiyay waa shaqa doonayaal, sababta aan halkaas ugu badinaayana waxay tahay haddii ay jirto caqabad guud waxaa loo sameyn lahaa qorshe lagu moodo, waana laga tilaabi lahaa, hayeeshee ma muuqato qorshe hormar loogu socdo, waxaad moodaa in danihii dadweynaha loo dhaartay in loo adeego lagu laray xifaaltan, waana waxa mar walba hanka shacabka dila.

Geba gebo.
Wadanku waxuu u baahan yahay hogaamiye wata qorshe cad ka fog xamaasad iyo dana gaar ah, leh hiraal muuqda dadkana tusi kara dhamaan kana iibinkara in ay gaari karaan halka loo socdo oo barwaaqadu taalo, waliba uu ka dhaadhicin karo in ay ku gaari karaan sida ugu fudud, ugu macquushan, asna ka dhabeeya balantiisa, waxa uu balan qaadayana ay noqdaan wax uu si cilmiyana u soo baaray taxliil ku sameeyay wadiiqada ugu macquushan oo lagu gaari karo, kadibna u soo bandhigo bulshada asoo haaya wax fiican, hayeeshe ma doonayno mana na anfacayo hogaamiye is weydiiyaa baahida bulshadaan maxay tahay, maxay inta badan ka cawdaan, kadibna u sheega bulshada inuu ka samata bixinaayo daruufahaas asoo ay ka tahay kasbasho aan qorsha cad lahayn, ayna u degsanayn wadiiqadii looga gudbi lahaa caqabaha jira, wadadii loo mari lahaa hormarka, hogaamiyaasha soomaaliyeed waa sida ay u badan yihiin waxay eegaan baahida shacabku qabaan kadibna waa ku beer laxawsadaan, waxay balamo been ah uga faa’iideystaan baahida bulshadaas, markii ay kursaga tagaana waa iska qubaan!.

“Qorshe, siyaasad wanaagsan si fiican loo qorey oo aan la fulihayn waxba ma soo kordhinayso, go’ aan aan fulin lahayn eber waxba ma dhaanyo”

W.Q Maxamed Daacad

Continue Reading

Arimaha siyaasadda

Cudurka Corona: ‘Ninka adduunka ugu da’da weyn’ oo ka kacay Covid-19

Published

on

By

Nin u dhashay dalka Itoobiya, oo la sheegay inay da’diisu ka sarreyso 100 sano, ayaa ka caafimaaday cudurka dilaaga ah ee Covid-19, arrintaasoo uu “wax cajiib ah” ku tilmaamay mid ka mid ah dhakhaatiirtiisa oo la hadlay BBC-da.

Aba Tilahun Woldemichael qoyskiisa waxay sheegeen inay da’diisa tahay 114 sano, taasoo ka dhigeysa ninka adduunka ugu da’da weyn, laakiin ma jirto warqad dhalasho oo caddeyneysa arrintaas.

Odaygan indhaha caalamka soo jiitay waxaa hadda gurigiisa ku xannaaneynaya wiil uu awoowe u yahay.

Aba Tilahun waxaa cudurka laga helay mar baaritaan guud lagu sameynayay xaafadda uu daggan yahay, oo ka tirsan caasimadda Addis Ababa, waxaana isbitaalka la dhigay ka hor inta aysan caalamadaha kasoo muuqanin, sida uu BBC-da u sheegay Dr Hiluf Abate.

Arrintaas ayaa dhakhaatiirta u sahashay inay dawooyin ku billaabaan xilli hore, ayna si dhow ula socdaan xaaladdiisa.

Continue Reading

Arimaha siyaasadda

Mareykanka oo xayiraad dhinaca Fiisaha saarayo mas’uuliyiin ka soo jeeda Shiinaha

Published

on

By

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Washington ay xayiraad dal ku gal ay ku soo rogayso saraakiil ka tirsan xisbiga shuuciga ee shiinaha kuwaas oo la aamminsayhay inay wax u geysteen xorriyadda Hong Kong.

Mr Pompeo ayaa sheegay in xayiraaddan ay bartilmaamedsaneyso saraakiil hadda kamid ah xisbiga iyo kuwo horay xisbiga uga tirsanaaba.

Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay daba socoto ballanqaadkii Madaxweyne Trump ee ahaa in tallaabbo laga qaadi doono cid walbo oo madaxbannaanida Hong Kong dhibaata u geysatay.

Shiinaha ayaa sheegay in tallaabada Mareykanka uu qaaday ay tahay mid qaldan sidaa awgeedna loo baahanyahay in laga laabto. Arrintan ayaa kusoo aadaysa maalmo ka hor inta baarlamaanka shiinaha uusan furmin.

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacbiga ayaa ka doodi doona sharciga cusub kulankiisa, kaasoo bilaabanaya maalinta Axadda.

Shiinaha ayaa soo jeediyay shuruucyo amni oo dambi ka dhigaya cid walba oo wiiqdo awoodda xukumadda Beijing ee Hong Kong, taas oo u horseedi karto shiinaha in ay ciidamadeeda ammanka la wareegaan gacan ku haynta Hong Kong markii ugu horeysay.

Labo isbuuc ka hor ayay ahayd markii, Hoggaamiyaha Hong Kong Carrie Lam, ay sheegtay waddamada shisheeye “inuu boos uga bannaaneen” iney soo farageliyaan sharciga ammaanka uu Shiinaha qorsheynayo ee quseeya arrimaha ammaanka gudaha dalka Shiinaha.

Sharcigan ayaa mamnuucaya khiyaamo qaran, kacdoon, kicin shacab iyo gooni u goosad. Dhinacyada sharcigan cambaareeyeyna waxay sheegeen inuu xaddidayo xorriyadda shacabka magaalada Hong Kong.

Continue Reading
Advertisement

Wararka Ugu Akhriska Badan

Copyright © 2020 Xogsame.