Connect with us

Arimaha bulshada

Maxay yihiin qodobada uu guddoomiyaha Aqalka Sare been abuurka ku tilmaamay?

Published

on

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka soo horjeestay xeerarka uu maalmahan ka doodayay golaha shacabka, kuwaas oo qaarkood la ansixiyay, isagoo ku tilmaamay xeerarkaasi in lagu sameeyay waxkabaddal aan sharciga waafaqsanayn isla markaana aanay ahayn kuwii ay soo diyaariyeen guddiga isku dhafka ah.

Warqad kasoo baxday xafiiska guddoonka Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in xildhibaanada loo qeybiyay dokumenti ka duwan nuqulkii ay soo diyaariyeen guddiga wada jirka ah e labada aqal.

Guddigaas ayaa loo xilsaaray inay soo diyaariyaan xeerarka kala ah:

Xeerka deegaameynta kuraasta- sharciga doorashooyinka qaran ee heer Federaal.

Xeerka xaqiijinta qoondada haweenka

Xeerka doorashada xubnaha labada aqal ee ka soo jeedo gobollada Waqooyi.

Xeerka mataaladda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arimaha bulshada

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Tiyaatarka Qaranka

Published

on

By

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Olalaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo.

Madaxweynaha oo soo jeediyey in dhallinyarada hormuudka u ah Barnaamijka Isxilqaan ay noqdaan cidda ugu horreysa ee soo istaaga, hadalna ka jeediya Masraxa Tiyaatarka Qaranka ayaa ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay maanta uga go’an tahay in dalku uu la jaanqaado horumarka dalalka kale ee Adduunka.

“Dadka qaarkiis ayaa aaminsanaa in aan ku fashilmeyno dhaqan gelinta iyo ka miro dhalinta Olalaha Isxilqaan, iyagoo aaminsanaa in aysan dadkeennu waxba dhisan karin haddii aynan helin gacan shisheeye. Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhergaa, wax innagu aynaan qabsan shisheeye inooma qabanayo.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey hobolada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo u iftiiminta dowladnimada, maadaama sanado badan kaddib dib loo dhisay Xaruntii Golaha Muritda.

“Soomaali waa nooshahay, awood ay dib ugu soo laabatana waa leedahay. Waa dal hodon ah oo dadkiisu ay leeyihiin karti iyo hal abuur, waxa kaliya ee aan u baahannahay waa midnimo iyo in la xoojiyo wadaniyadda, isxilqaanka iyo ka shaqeynta danta guud.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar labaad ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wax-wada-qabsiga.

Continue Reading

Arimaha bulshada

Ra’iisul Wasaaraha Denmark oo arooskeeda u baajisay shir dartiis

Published

on

By

Haweeneyda Ra;iisul Wasaaraha ka ah waddanka Denmark, Mette Frederiksen ayaa markii saddexaad dib u dhigtay, si ay uga qeyb gasho shir ay yeelanayaan madaxda dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Kulankaas, oo ku saabsan mowduucyo la xiriira aruurinta dhaqaale looga soo kabsado saameynta cudurka Covid-19, ayaa dhici doona 17,-ka iyo 18-ka bisha July ee foodda nagu soo heysa.

Wuxuu noqon doonaa shirkii ugu horreeyay ee ay hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Yurub isugu imaadaan tan iyo markii lasoo rogay xayiraadaha lagu xakameynayay faafitaanka fayraska corona.

Ms Frederiksen ayaa la filayay in iyada iyo saaxiibkeed Bo Tengberg uu arooskooda dhaco 18-ka bisha July.

Barta ay ku leedahay Facebook ayey ku sheegtay inay ku khasban tahay “ilaalinta danaha Denmark”.

Dowladda Denmark ayaa kasoo horjeedsatay qorshaha dhaqaalaha loogu aruurinayo waddamada uu sida ba’an u saameeyay cudurka corona.

 

Continue Reading

Arimaha bulshada

Qaramada Midoobay: Malaayiin caruurta Yemen ah ayaa macaluul u dhiman doona haddaan gargaar degdeg ah la helin

Published

on

By

Hay’adaha Qaramada Midoobay kuwooda gargaarka kuwa ugu waawayn midkood ayaa ka dayrisay in malaayiin caruur reer Yemen ahi ay macaluul qarka u saaranyihiin maadaamada oo uu jiro “hoos u dhac weyn” oo ku yimi gargaarkii aadamenimo oo kuu kallifay Covid-19.

Unicef ayaa sheegtay in ay u baahantahay ku dhawaad nus bilyan doolar oo gargaar ah si ay u badbaadiso caruurta dalkaas oo ay Qaramada Midoobay shaacisay in ay ka jirto duruuftii ugu ba’nayd ee aadamenimo dunida.

Qiyaastii laba milyan oo caruur ah ayaa nafaqo darro xumi ku haysataa Yemen oo uu ragaadiyey dagaal shan sannadood ka socday.

Unicef waxay sheegtay in hadii aanay helin 54.5 milyan oo doolar dabayaaqada bisha Ogost, in ku dhawaad 23500 oo caruur ahi ay u dhiman karaan nafaqo darrada haysata.

Gooni u goosadka Yemen oo ku dhawaaqay ismaamul u gaar ah

Fayraska Korona oo kusoo laba kacleeyay Jabuuti

‘Ninka adduunka ugu da’da weyn’ oo ka kacay cudurka corona

Malaayiin kale ayaan iyaguna heli dooni cuntada nafaqada leh iyo fiitamiinada ama tallaalka lagaga hortago cudurrada dilaaga ah, ayey digniinta ku sheegtay hay’addu.

Waxa kale oo ay sheegtay in 19 milyan oo qof oo ay ku jiraan hal milyan oo dumar uurle ama caruur nuujinayaa ay sidoo kale waayi doonaan adeega caafimaad hadii aan deeq lacageed loo helin.

 

Continue Reading
Advertisement

Wararka Ugu Akhriska Badan

Copyright © 2020 Xogsame.