Connect with us

Arimaha bulshada

Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo ka digtay in cudurka Covid-19 ku soo laba kaclayn karo Yurub

Published

on

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay korodhay tirada todobaadlaha ah ee dadka uu ku dhacayo cudurka Covid-19 ee qaaradda Yurub.

Kow iyo toban meelood oo ay ku jiraan Armenia, Sweden, Maldova iyo Woqooyiga Macedonia oo uu kordhay fiditaanka cudurku ayaa keentay in “uu aad u laba kacleeyo” cudurku, sida uu sheegay agaasime-goboleedka WHO Dr Hans Henri Kluge.

Wuxuu sheegay in digniintiisu tahay mid uu kaga dardaarwerinayo in laba kaclaynta cudurku noqon karto halis xaqiiqo ah.

Hay’adda WHO waxay sheegtay in Yurub tirada dadka uu ku dhacay Covid-19 ay tahay 2.6 milyan oo qof oo 195,000 u geeriyoodeen.

Ku dhawaad 20,000 xaaladood oo cusub oo dad uu ku dhacay ah iyo in ka badan 700 oo dhimasho hor leh ah yaa maalin walba la xaqiijinayaa.

“Muddo todobaaddo ah waxaan ka hadlayey halista soo laba kaclaynta cudurkaas maadaama oo dalalku ay debcinayaan xayiraadihii” ayuu yidhi Dr Kluge oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu internet-ka kaga hadlay Khamiistii.

“Dhawr dal oo Yurub ka mid ah, ayey haatan halistii noqotay xaqiiqo la taaban karo. 30 dal ayey haatan korodhay wadarta guud ee tirada dadka qaadaya cudurka labadii todobaad ee u dambeeyey”. Ayuu yidhi.

Kow iyo tobanka dal ee la sheegay in cudurku ku kordhay ayey WHO magacowday oo kala ah Armenia, Sweden. Moldova, Woqooyia Macedonia, Azerbaijan, Kazakhstan, Albania, Bosnia-Herzogovina, Kyrgyzstan, Ukraine iyo Kosovo.

Dr Kluge waxa uu sheegay in wadamada ay ka midka yihiin Poland, Jarmalka, Spain iyo Israel ay si degdega uga hortageen halista ah inuu ka dilaaco cudurku iskuulada, goobaha macdanta laga qodo iyo warshadaha cuntada soo saara oo ay ku xakameeyeen talaabooyin degdeg ah oo ka hortag ah

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Arimaha bulshada

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Tiyaatarka Qaranka

Published

on

By

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Olalaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo.

Madaxweynaha oo soo jeediyey in dhallinyarada hormuudka u ah Barnaamijka Isxilqaan ay noqdaan cidda ugu horreysa ee soo istaaga, hadalna ka jeediya Masraxa Tiyaatarka Qaranka ayaa ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay maanta uga go’an tahay in dalku uu la jaanqaado horumarka dalalka kale ee Adduunka.

“Dadka qaarkiis ayaa aaminsanaa in aan ku fashilmeyno dhaqan gelinta iyo ka miro dhalinta Olalaha Isxilqaan, iyagoo aaminsanaa in aysan dadkeennu waxba dhisan karin haddii aynan helin gacan shisheeye. Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhergaa, wax innagu aynaan qabsan shisheeye inooma qabanayo.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey hobolada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo u iftiiminta dowladnimada, maadaama sanado badan kaddib dib loo dhisay Xaruntii Golaha Muritda.

“Soomaali waa nooshahay, awood ay dib ugu soo laabatana waa leedahay. Waa dal hodon ah oo dadkiisu ay leeyihiin karti iyo hal abuur, waxa kaliya ee aan u baahannahay waa midnimo iyo in la xoojiyo wadaniyadda, isxilqaanka iyo ka shaqeynta danta guud.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar labaad ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wax-wada-qabsiga.

Continue Reading

Arimaha bulshada

Ra’iisul Wasaaraha Denmark oo arooskeeda u baajisay shir dartiis

Published

on

By

Haweeneyda Ra;iisul Wasaaraha ka ah waddanka Denmark, Mette Frederiksen ayaa markii saddexaad dib u dhigtay, si ay uga qeyb gasho shir ay yeelanayaan madaxda dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Kulankaas, oo ku saabsan mowduucyo la xiriira aruurinta dhaqaale looga soo kabsado saameynta cudurka Covid-19, ayaa dhici doona 17,-ka iyo 18-ka bisha July ee foodda nagu soo heysa.

Wuxuu noqon doonaa shirkii ugu horreeyay ee ay hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Yurub isugu imaadaan tan iyo markii lasoo rogay xayiraadaha lagu xakameynayay faafitaanka fayraska corona.

Ms Frederiksen ayaa la filayay in iyada iyo saaxiibkeed Bo Tengberg uu arooskooda dhaco 18-ka bisha July.

Barta ay ku leedahay Facebook ayey ku sheegtay inay ku khasban tahay “ilaalinta danaha Denmark”.

Dowladda Denmark ayaa kasoo horjeedsatay qorshaha dhaqaalaha loogu aruurinayo waddamada uu sida ba’an u saameeyay cudurka corona.

 

Continue Reading

Arimaha bulshada

Qaramada Midoobay: Malaayiin caruurta Yemen ah ayaa macaluul u dhiman doona haddaan gargaar degdeg ah la helin

Published

on

By

Hay’adaha Qaramada Midoobay kuwooda gargaarka kuwa ugu waawayn midkood ayaa ka dayrisay in malaayiin caruur reer Yemen ahi ay macaluul qarka u saaranyihiin maadaamada oo uu jiro “hoos u dhac weyn” oo ku yimi gargaarkii aadamenimo oo kuu kallifay Covid-19.

Unicef ayaa sheegtay in ay u baahantahay ku dhawaad nus bilyan doolar oo gargaar ah si ay u badbaadiso caruurta dalkaas oo ay Qaramada Midoobay shaacisay in ay ka jirto duruuftii ugu ba’nayd ee aadamenimo dunida.

Qiyaastii laba milyan oo caruur ah ayaa nafaqo darro xumi ku haysataa Yemen oo uu ragaadiyey dagaal shan sannadood ka socday.

Unicef waxay sheegtay in hadii aanay helin 54.5 milyan oo doolar dabayaaqada bisha Ogost, in ku dhawaad 23500 oo caruur ahi ay u dhiman karaan nafaqo darrada haysata.

Gooni u goosadka Yemen oo ku dhawaaqay ismaamul u gaar ah

Fayraska Korona oo kusoo laba kacleeyay Jabuuti

‘Ninka adduunka ugu da’da weyn’ oo ka kacay cudurka corona

Malaayiin kale ayaan iyaguna heli dooni cuntada nafaqada leh iyo fiitamiinada ama tallaalka lagaga hortago cudurrada dilaaga ah, ayey digniinta ku sheegtay hay’addu.

Waxa kale oo ay sheegtay in 19 milyan oo qof oo ay ku jiraan hal milyan oo dumar uurle ama caruur nuujinayaa ay sidoo kale waayi doonaan adeega caafimaad hadii aan deeq lacageed loo helin.

 

Continue Reading
Advertisement

Wararka Ugu Akhriska Badan

Copyright © 2020 Xogsame.